Home » Archives by category » All News (Page 1136)
Raiisulwasaare Cabdi Wali oo maanta xilkii la wareegay

Waxaa maanta oo  khamiis ah xilkii lakala wareegay Raiisulwasaarihii hore Saacid iyo Raiisulwasaaraha cusub oo la doortay Mudane Cabdiwali. Xilwareejinta maanta waxaa goob joog ka ahaa Madaxweeynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare.Raiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Saacid ayaa ugu horreyn hadalka qaatay isaga oo xusay in xilku yahay meerto oo hadba ciddii loo gartaa aay […]

Continue reading …
Musharaxiinta Madaxweynanimada Puntland oo Oggolaaday Guddigii Faroole

Shir saacado socday oo aay lahaayeen musharaxiinta Madaxweynanimada Puntland waxaay kasoo saareen go’aan lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhextaagnaa Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta oo ku saabsanaa khilaafkii ka dhashay guddigii uu magacaabay madaxweeyne Faroole,iyadoo musharaxiintu aay ku eedeeynayeen in Faroole ku takrifalay arin uusan awood u lahayn iyagoo musharaxiintu aay ku doodayeen in qayb lagasiiyo […]

Continue reading …
Waxaa maanta kulmay Raiisulwasaarihii hore Saacid iyo Raiisulwasaaraha Cusub Cabdiwali.

Raiisulwasaaraha Cusub oo dhawaan la magacaabay Cabdiwali Shiikh Axmad ayaa maanta xaafiiskiisa kusoo booqday Raiisulwasaaraha la casilay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),labadaas masuul waxaay kawada hadleen sidii xilwareegintu u dhici lahayd iyo waqtiga aay xilalka kula kala wareegayaan ,waxaa kale ooRaiisulwasaaraha cusub la baray shaqaalaha ka hawlgala xaafiisyada kala gaddisan oo hoosyimaada Raiisulwasaaraha .Raaiisulwasaaraha Cusub […]

Continue reading …
wasiiradda Arrimaha  Dibadda Somalia  oo ka hadashay safarkeedii Koonfurta Suudaan

    Marwo Fowsiya Yusuf  oo kamid ahayd guddigii ka socday qaaradda Afrika oo loo xilsaaray xallinta qalaalasihii dhiggu ku daatay ee ka dhacay koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka socdo dagaal isir xasuuq ah kaddib markii aay iskhilaafeen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo kuxigeenkiisa oo Madaxweeynuhu uu ku eedeeyey in uu hogaaminayey inqilaab uu sheegay […]

Continue reading …
Ergayga Xoghayaha Guud UN-ka oo ka hadlay Xaaladda Puntland

Nicholas Kay oo ah ninka ugu sarreeya ergada qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya wuxuu maanta ka hadlay xaaladda ismaamul goboleedka Puntland gaar ahaa doorashooyinka muddada gaabani ka harsan tahay oo ka dhacaya dalkaas. Mudane Nicholas kay wuxuu baaq u jeediyey dawlad Goboleeda Puntland,odayaasha dhaqanka iyo Musharaxiinta isaga oo ka codsaday in aay ku dadaalaan sidii […]

Continue reading …
Baarlamaanka Soomaaliya oo Diiday Mooshin ku saabsan guddiyada joogtada ah

Maanta waxaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya ka bilowday dood aay soo qaddimeen     xildhibaanada qaarkood oo ku saabsanayd in laga doodo islamarkaana loo codeeyo in la beddelo guddiga joogtada ah ee xildhibaanada,iyadoo xildhibaanada soo qaddimay mowshinka aay ku dhaliilayeen guddiyada joogtada ah in aanay gudan xilalkii loo idmaday . Fadhiga gola Baarlamaanka ee maantay waxaa […]

Continue reading …
Weerar lagu soo Qaaday Musharax u tartamayey Madaxweynanimada Puntland

  Waxaa maanta la weeraray Gaari waday Cabdidaahir Maxamad Yusuf Yeey oo kamid ah Musharaxiinta  Madaxweyninimada Puntland,oo ku sugnaa bartamaha Magaalo Madaxda Garoowe. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta waxyeeladu ka dhacday waxaay sheegeen in weerarkaas lagu qaaday musharaxa aay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo ka amarqaata madaxweeyne Faroole.Midkamid ah musharaxiinta […]

Continue reading …
Sideed Qof oo ku dhintay Dagaal dhexmaray Ciidamada Dawladad

  Saaka waxaa ka dhacay  aagga Mukayga ee degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose dagaal dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Ciidamada waxaana dagaalku ka dhacay bar isbaaro u tiil cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo aay soo weerareen ciidamo kale oo doonayey in aay bartaas kala wareegaan ciidamadii horay u haystay. waxaa la sheegayaa […]

Continue reading …
Meheradihii Soomaalida oo lagu boobay Koonfurta Suudaan

      Dagaalka ka bilowday koonfurta Dalka Suudaan wuxuu Keenay  in la boobo ganacsigii xooganaa oo Soomaalidu ku lahaayeen dalka Koonfurta   Suudaan Waxaana khatar galay naftii dadka Soomaaliyeed oo kunoolaa dalkaas. Halka ugu daran oo Soomaalida lagu boobay waa magaalad Bor ee ku taal waqooyiga Suudaan oo aay la wareegeen mucaaradka kasoo horjeeda […]

Continue reading …
Baarlamaanka dalka soomaaliyia oo kalsoonidii siiyey raiisulwasaaraha Cusub

  Maanta oo sabti ah waxaa madaxweeynaha Soomaaliya uu baarlamaanka usoo bandhigay Raiisulwasaaraha cusub oo uu doortay kaddib markii baarlamaanku xilkii uu hayey uu ka xayuubiyey Raiisulwasaarihii horeMudane Saacid. Madaxweeynaha ayaa ugu horreyn khudbad kooban ka akhriyey kulankii maanta ee xildhibaanada isaga oo horkeenay Raiisulwsaaraha cusub kana codsaday in aay ansaxiyaan C/weli Sh.Axmad si uu […]

Continue reading …