h

Ergayga Xoghayaha Guud UN-ka oo ka hadlay Xaaladda Puntland

Filed under: All News,more news |

hämta

Nicholas Kay oo ah ninka ugu sarreeya ergada qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya wuxuu maanta

ka hadlay xaaladda ismaamul goboleedka Puntland gaar ahaa doorashooyinka muddada gaabani ka harsan
tahay oo ka dhacaya dalkaas.
Mudane Nicholas kay wuxuu baaq u jeediyey dawlad Goboleeda Puntland,odayaasha dhaqanka iyo Musharaxiinta
isaga oo ka codsaday in aay ku dadaalaan sidii nabadgalyo iyo xasilooni doorashadu ugu dhici lahay xilligii loogu talo galy
oo ah in 8 jannaayo madaxweyne cusub uu doorto baarlamaanka aay soo magacaabayaan isimada puntland.Ergayga Xoghayaha guud ee Soomaaliya wuxuu xusay khilaafka imminka ka
dhex aloosan iyo ismariwaaga u dhexeeya Madaxweynaha waqtigiisii gababsiga yahay ee Ismaamulka Puntland
iyo musharaxiinta tirada badan  wuxuuna wakiilka xoghayaha guud Mudane Nicholas Kay ka codsaday
dhinacyada ishaya in aay muujiyaan xilkasnimo iyo tanaasul wuxuuna ku dhiirigaliyey isimada Puntland in aay Doorkooda qaatan.

Xassa Muuse (Xassan Carab)
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Boosaaso