Meheradihii Soomaalida oo lagu boobay Koonfurta Suudaan

Filed under: All News,more news |

 

 

 

Dagaalka ka bilowday koonfurta Dalka Suudaan wuxuu Keenay  in la boobo ganacsigii xooganaa oo Soomaalidu ku lahaayeen dalka Koonfurta

Sudanese entering UN camps

 

Suudaan Waxaana khatar galay naftii dadka Soomaaliyeed oo kunoolaa dalkaas.
Halka ugu daran oo Soomaalida lagu boobay waa magaalad Bor ee ku taal waqooyiga Suudaan oo aay la wareegeen mucaaradka kasoo horjeeda dawladda oo daacadda u ah Reig Makhan oo ah madaxweeyne kuxigeenka dawladda Koonfurta Suudaan .

Madaxweeynaha dalka koonfurta Suudaan ayaa xilka ka qaaday kuxigeenkiisa markii uu ku tuhmay in uu ku jiray abaabul afgambi .

Dawladda Koonfurta Suudaan markii aay dhalatay kana go´day dalka Suudaan ayaa Soomaali badan aay dalkaas cusub ku yaaceen iyaga oo ka furtay  meherado magaalooyinka waaweeyn  ee dalka Suudaan.
Inkasta oo wali aanay nasoo gaarin dad Soomaali ah oo dalka Konfurta Suudaana lagu dilay misna  waxaa la sheegayaa in Soomaali badan aay ka cabsanayaan in dagaalkaas oo imminka ku eeg hantidoodii oo la boobay in uu markasta isku beddelikaro mid lagu beegsado Soomaalida,waxaana soomaali badan lasoo daristay cabsi iyo argagax iyadoo qaar badan oo kamid ah Soomaalida dalkaas ku nool  aay galeen xeryaha jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa markii hantidoodii la dhacay,qaar kale oo badanna waxaay ku xayiran yihiin guryahooda iyaga oo aan dibadda uga soo bixi karin,iyagoo ka cabsi qaba in la bartilmaameeysto.
Waaxda Wararka Kasmaal
Jubba/South Sudan