Baarlamaanka dalka soomaaliyia oo kalsoonidii siiyey raiisulwasaaraha Cusub

Filed under: All News,more news |

 

Maanta oo sabti ah waxaa madaxweeynaha Soomaaliya uu baarlamaanka usoo bandhigay Raiisulwasaaraha cusub oo uu doortay kaddib markii baarlamaanku xilkii uu hayey uu ka xayuubiyey Raiisulwasaarihii horeMudane Saacid.

Madaxweeynaha ayaa ugu horreyn khudbad kooban ka akhriyey kulankii maanta ee xildhibaanada isaga oo horkeenay Raiisulwsaaraha cusub kana codsaday in aay ansaxiyaan C/weli Sh.Axmad si uu usoo dhiso dawlad cusub.
Waxaa markii codaynta lagaliyey Raiisulwasaaraha cusub codka kalsoonida siiyey 239 kamid ahaa 243kii xildhibaan oo golaha baarlamaanka soo xaadiray,waxaana diidy labo mudane oo qur ah.
Raiisulwasaaraha cusub waxaa horyaal waajibaad culus oo aay ugu horreyso in uu soo cesho xasiloonidii iyo deganaanshihii dalka kana saaro colaadahaka aloosan qaar kamid ah gobollada dalka islamarkaana uu dhameeystiro dastuurka qabyada ahwaxaana arintaas xilkeeda gudan karta dawlad tayo leh  oo uu raiisulwasaaruhu soo dhiso .

 

 

 

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho-