Musharaxiinta Madaxweynanimada Puntland oo Oggolaaday Guddigii Faroole

Filed under: All News,more news |

Murashaxiin

Shir saacado socday oo aay lahaayeen musharaxiinta Madaxweynanimada Puntland
waxaay kasoo saareen go’aan lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhextaagnaa Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta oo ku saabsanaa khilaafkii ka dhashay guddigii uu magacaabay madaxweeyne Faroole,iyadoo musharaxiintu aay ku eedeeynayeen in Faroole ku takrifalay arin uusan awood u lahayn iyagoo musharaxiintu aay ku doodayeen in qayb lagasiiyo magacaabista guddiga khilaafka,waxaana madaxweynaha iyo Musharaxiintu aay ku kala dareereen shirkii ka dhacay madaxtooyada.Oggolaanshaha musharaxiinta ee guddiga xallinta khilaafaadka waxaay ka dambaysay markii arinta aay soo dhexgaleen Isimada Puntland oo usoo jeediyey Musharaxiinta in aay aqbalaan guddigii horay loo magacaabay ,waxaana isimadu cuskadeen habdhaqankii saddexdii doorasho oo horay loosoo galay oo giddigood guddiga khilaafaadka laga soo magacaabi jiray madaxtooyada habdhaqankaas oo uu ahaa kii uu cuskaday Madaxweeyne Faroole sidaa darteed waxaa Isimadu codsadeen Musharaxiintuna oggolaadeen in guddiga Khilaafaadka loo daayo sida Madax
weeyne Faroole usoo jeediyey ,waxaana musharaxiintu muujiyeen tanaasul wayn si aanay khalkhal u galin doorashada loo ballansan yahay sideeda Jannaayo .guddiga khilaafadka oo aay ansaxiyeen murashaxiintu waa:
Ijineer:Yusuf Abshir Cadami –Guddoomiye
Cusmaan Guureeye Kaarshe-Xubin
Injineer.Maxamuud Axmed Xassan-Xubin
Maxamad Cabdullahi Faarax-xubin
Caaqil.CABDIRAXMAAN Axmad Xaaji-xubin
Caaqil.Abshir Cabdiraxmaan Caraale-Xubin
Caaqil.Saciid Xassan Xaaji Yusuf-Xubin
Maxamad Cabdulqaadir Cusmaan –xoghayn

Xassa Muuse (Xassan Carab)
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Boosaasoweynanimada