wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo ka hadashay safarkeedii Koonfurta Suudaan

Filed under: All News |

 

 

Fowziyo

Marwo Fowsiya Yusuf  oo kamid ahayd guddigii ka socday qaaradda Afrika oo loo xilsaaray xallinta qalaalasihii dhiggu ku daatay ee ka dhacay koonfurta Suudaan halkaas oo uu ka socdo dagaal isir xasuuq ah kaddib markii aay iskhilaafeen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo kuxigeenkiisa oo Madaxweeynuhu uu ku eedeeyey in uu hogaaminayey inqilaab uu sheegay in aay fashiliyeen,waxaana arintaasi keentay dagaal dhexmara labada qabiil oo  waaweeyn oo aay kala tirsan yihiin madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.Sida laga soo xigtay Wasiiradda Arrimaah dibadda ee Soomaaliya waxaa dagaaladaas ka socda koonfurta Suudaan  ku geeriyooday inta la ogyahay labo qof  oo Soomaali ah waxaan xaaladdoodu aay cakiran tahay ilaa 10.000 oo Soomaali ah oo ku nool gobollada uu ka koobmo dalka koonfurta Suudaan.noqdaan inta xiisaddu ka degayso.Waxaa imminka si xoog ah uga biloowday dalka Koonfurta Suudaan olole aay dawladuhu aay muwaadiniintooda aay dalkaas uga daadguraynayaan  waxaana si aad ah u mashquulsan gagiyada dayaaradaha ee Koonfur Afrika.Waxaana dhawaan la filayaa in aay dalkaas soo gaaraan ciidamo lagu qiyaasay 5000 oo Xoghayaha guud uu waydiistay in degdeg loogu diro koonfurta Suudaan.

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho