Sideed Qof oo ku dhintay Dagaal dhexmaray Ciidamada Dawladad

Filed under: All News,more news |

 

Saaka waxaa ka dhacay  aagga Mukayga ee degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada hoose dagaal dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Ciidamada

waxaana dagaalku ka dhacay bar isbaaro u tiil cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo aay soo weerareen ciidamo kale oo doonayey in aay bartaas kala wareegaan ciidamadii horay u haystay.
waxaa la sheegayaa in sideed qof  oo oo isugu jira dad rayad ah  iyo  ciidamadii dagaalamayey ay goobtaas ku dhinteen
,dagaalkaas oo hakaday markii ciidamo gaashaaman oo AMISOM ka socday ay labadii ciidan soo kala dhexgaleen .
Ma aha markii ugu horreysay oo ciidamada dawladdu isku dhacaan dhexdoodana ka dagaalamaan ,arintaas oo katimid ciidamada oo aanay ka jirin dhexdooda nidaam kala dambayn iyo dishibiliin ciidan.
Waxaana keenay in Ciidamadu dhigtaan isbaarooyinka iyadoo aanay ciidamadu qaadan mushaar ku filan.

 

 

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho-