Weerar lagu soo Qaaday Musharax u tartamayey Madaxweynanimada Puntland

Filed under: All News,more news |

 

Waxaa maanta la weeraray Gaari waday Cabdidaahir Maxamad Yusuf Yeey oo kamid ah Musharaxiinta  Madaxweyninimada Puntland,oo ku sugnaa bartamaha Magaalo Madaxda Garoowe.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta waxyeeladu ka dhacday waxaay sheegeen in weerarkaas lagu qaaday musharaxa aay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo ka amarqaata madaxweeyne Faroole.Midkamid ah musharaxiinta   ku sugan  Garoowe ayaa weerarkii maanta kutilmaamay mid lagu argagaxgalinayo dhammaan musharaxiinta Jagada Madaxweynanimda isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne Faroole in uu doonayo in uu qas iyo dagaal dhaliyo si uu dib ugu dhigo doorashaad lagu ballansan yahay bisha Janaayo sideedeed.
Rasaastii lala beegsaday Musharax Cabdidaahir waxaa dhaawac kasoo gaaray qaar ka tirsanaa ilaalada Musharaxa.
Wali waxaa khilaaf ka taagan yahay guddigii uu magacaabay Faroole oo aay si wad jir ah aay u  diideen musharaxiinta kale .

 

 

Abdillahi Mohamed Roone
Qaybta Wararka Kasmaal /Garoowe