/>

<meta name=

Waxaa maanta kulmay Raiisulwasaarihii hore Saacid iyo Raiisulwasaaraha Cusub Cabdiwali.

Filed under: All News,more news |

Raiisul

Raiisulwasaaraha Cusub oo dhawaan la magacaabay Cabdiwali Shiikh Axmad ayaa maanta xaafiiskiisa kusoo booqday Raiisulwasaaraha la casilay Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),labadaas masuul waxaay kawada hadleen sidii xilwareegintu u dhici lahayd iyo waqtiga aay xilalka kula kala wareegayaan ,waxaa kale ooRaiisulwasaaraha cusub la baray shaqaalaha ka hawlgala xaafiisyada kala gaddisan oo hoosyimaada Raiisulwasaaraha .Raaiisulwasaaraha Cusub wuxuu ka codsaday raiisulwasaarihii hore in uu la shaqeeyo waayoaragnimadiisana uga faaideeyo hawlaha horyaal Raiisulwasaaraha cusub.
Raiisulwasaaraha cusub Mudane Cabdiwali Sh.Axmad waxaa sugaysa hawl baaxadweeyn oo ah in uu soo dhiso dawlad salballaaran oo tayo leh oo dalka ka saarta Dhibaatooyinka isbiirsaday oo maanta dalka ka taagan.
wararka aanu ka helayno dad ku dhowdhow madaxtooyada Soomaaliya waxaay sheegyaan in aan jagadooda wasiirnimo aan laga beddelayn afar wasiir oo horay uu khilaafkii keenay in lacasilo Mudane Saaciid uu ka dhashay ,wasiirka cusubna wuxuu kala tashanayaa madaxweeynaha magacaabista dawladda Cusub.
Dadka siyaasadda la socda waxaay sheegeen in madaxweeynuhu uusan ku ekaanayn awoodda sharcigu siinayo oo uu qaadandoono qaybtii Raiisulwasaaruhu xaqqa u lahaa,taasina aay aakhirka keenidoonto khilaaf hor leh.

 

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho