Baarlamaanka Soomaaliya oo Diiday Mooshin ku saabsan guddiyada joogtada ah

Filed under: All News,more news |

Maanta waxaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya ka bilowday dood aay soo qaddimeen

DSC09806

 

 

xildhibaanada qaarkood oo ku saabsanayd in laga doodo islamarkaana loo codeeyo in
la beddelo guddiga joogtada ah ee xildhibaanada,iyadoo xildhibaanada soo qaddimay
mowshinka aay ku dhaliilayeen guddiyada joogtada ah in aanay gudan xilalkii loo idmaday .
Fadhiga gola Baarlamaanka ee maantay waxaa shir guddoominayey mudane Maxamad Cusmaan Jawaari
Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka waxaana yimid golaha oo ku sugnaa in ka badan  133 xildhibaan.
Markii mowshinkaas laga doodayey waxaa xildhibaanada qaarkood ku waaniyeen toddobadii xildhibaan
oo mooshinka keenay in aay dib ula noqdaan iyado aay muuqato in aqlabiyadda baarlamaanku aay
ka soo horjeedaan mowshinkaas hasayeeshe xildhibaanadii mowshinka watay waxaay ku adkaysteen in
cod la galiyo ,waxaana mowshinkaas ka horyimid oo diiday 88 xildhibaan  waxaana ka aamusay 24 Xildhibaan
Sidaa darteed waxaa guddoomiyaha baarlamaanku ku dhawaaqay in codayntii ku dhammatay diidmo
Xildhibaanadii mowshinka keenayna aay ku fashilmeen soo jeedintoodii

 

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho-