Raiisulwasaare Cabdi Wali oo maanta xilkii la wareegay

Filed under: All News,more news |

wali
Waxaa maanta oo  khamiis ah xilkii lakala wareegay Raiisulwasaarihii hore Saacid iyo Raiisulwasaaraha cusub oo la doortay Mudane Cabdiwali.
Xilwareejinta maanta waxaa goob joog ka ahaa Madaxweeynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare.Raiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Saacid ayaa ugu horreyn hadalka qaatay isaga oo xusay in xilku yahay meerto oo hadba ciddii loo gartaa aay maamulayso isaguna uu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Raiisulwasaaraha cusub,waxaa kale oo Saacid si kooban u xusay waxqabadkii xukuumadisa inta uu talada hayey.Kaddib khudbooyinka labada masuul isweeydaarsadeen waxaa xilkii si rasmi ah ula wareegay Raiisulwasaaraha cusub Mudane Cabdi Wali oo ku ammaanay dawladdii hore waxqabadkii aay muujisay isagana laga sugayo dhammeeystirka waxqabadkaas inta ka harsan.
Ugu dambaystii waxaa hadalka soo afjaray madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo aammaan u jeediyey dawladdii hore oo xilka lagala wareegay ,tan cusubna ku dhiirigaliyey in aay hawshii halkii kasii waddo isaga oo tilmaamay waxqabadka laga sugayo dawladda uu soo dhisidoono raiisulwasaaraha cusubi.
Waxaa horay Raiisulwasaaraha cusub mudane Cabdiwali uu u sheegay in uu soo dhisidoon dawlad ka triro badan tii Mudane Saacid oo wasiiradu isdulsaarnaayeen isaga oo ballanqaaday dawlad tiro iyo tayoba leh inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan in madaxweynuhu uu ku dhegidoono oo aan la beddelidoonin dhawrkii wasiir oo aay isku khilaafeen Mudane Shirdoon  arintaas oo shacbigu walwal wayn ka muujinayo haddii aay dhacdo inaay awx u dhimayso geedi socodka dawladda cusub iyo waxqabadkeeda

 

M.Cali Birqabad

Waaxda wararka Kasmaal/Muqdisho