17ka APRIl OO SANAD KASTAABA WAXAA LA XUSAA MAALINTA DHIRAYNTA,

Filed under: All News,more news |

                                                               dhiranta 17

waa maalinta dhireynta soomaaliyeed,waana  maalin inaka mudan qadarin,xusuus iyo qiimeyn.Waa maalin astaan u ah hirgelinta bilicda iyo quruxda dalkeenna, aannu dhammaan wada jecelnahay oo hoygeenna ah. Naftu waxay jeceshahay meesha hooska dhirtu ku badan yahay oon boobas indhaha rida lahayn,taasoo ku xiran in dadweynuhu fahmo manafacaadka dhirtu inoo leedahay guud ahaan . In badan ayaa laga hadlaa, in qofkastaaba qeybtiisa ka qaato ilaalinta degaanka inaka wada dhexeeya,haddana maanta dalkeena haddaad marto, kuma arkeysid geedihii horay loo yiqiin oo badankooda la manaafacaadsan jirey.Dalkeennu maanta wuxuu u dhow yahay in nabaadguur halis ahi  haleelo,taasoo ay sabab u  tahay xaalufinta  iyo dhuxuleynta dhirta  dibedda loo dhoofiyo . Dhirta, sidaannu la soconno dhammaan,waxaa ku nool xoolaheenna iyo makhluuqaad kaloo farobadan oo ay hooy u tahay,noloshooduna ku xiran tahay iyagaas,taasoo na bareysa in degaanku huwan yahay abuuritaan Ilaah, oon indhaheennu wada qaban karin. Dalalka kale oo hormaray,dhirta  ayey ku qurxiyaan degaannadooda kala duwan,qof kastaana meesha uu ku nool yahay wuxuu jecel yahay iney leedahay geedo badan oo qurxoon iyo ubax indhihiisu ku raaxeystaan, naftiisana dejiya oo uu ku illoobo dhibaato maalmeedka  uu la  kulmo.

In badan ayaa dadweynaha la xusuusiyaa in dhirtu u tahay noloshooda lama huraan,sidaa awgeedna loo baahan yahay in lagu dadaalo dhireynta degaannada ay ku nool yihiin,waana in dhallinta soo koreysa lagu ababiyo jeceelka dhirta iyo ilaalinta  degaankooda guud ahaan.Waxaa nasiib wanaag ahayd in sanadkii hore (17 april,2013),meelo badan oo Dalkeenna ka mid ah laga hirgeliyey maalintaas loo aqoonsaday qaran ahaan, Maalinta dhirta soomaaliyeed,iyadoo Madaxweynaha Dawladda soomaaliyeed uu arrintaas horseed ka ahaa.Haddaba, bishii April, ayaa dhowaan ina ku soo foolleh,sidaa awgeed waa in Dawlad iyo dadweynaba loo

1)      A- Xagga Dawladda, waa in loo tabaabusheystaa sidii wax looga qaban lahaa arrima la xiriira ilaalinta degaankeenna guud ahaan iyadoo laga fakarayo sidii mashaariic horumarineed loogu  raadin lahaa  dhireynta Dalka,loona joojin lahaa jarida iyo dhuxuleynta dhirta.

B – Xagga  dadweynaha, ilaalinta degaanku, waa mid laga sugayo qof kastoo ku nool Dalka soomaaliya oo ah degaankeenna guud.

 

2)      Xusuusin hababkii  loo qaban jirey dhireynta Dalka Dawladihii hore iyo is-xusuusin in dadweynuhu qeyb libaax ka qaato dhireynta Dalkooda guud ahaan.                                                                                                                                                                                                                                                                     Waxa soo diyaariyey qoraalka sare iyo soo koobiddiisaba ,

Dr. A. Karaani

Email:karani38@aol.com