Wafdigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo guul kasoo hooyeen booqashadii aay ku tageen Talyaaniga.

Filed under: All News,more news |

Jawaari

 

Waxaa maanta magaalada muqdishow dib ugu soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed mudane Maxamad Shiikh Jawaari  oo si diiran loogu soo dhaweeyey gagida dayuuradaha ee Aadan Cadde.

Wafidiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalida Maxamad Cusmaan Jawaari waxaay tageen dalka talyaaniga markii aay booqasho rasmi ah  ka heleen Guddoomiyaha aqqaalka baarlamaanka dalka Talyaaniga haweenayda la yiraahdo Laura Boldrini .

Jawaari iyo boldarini waxaay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ahaa ee labada dal  iyo sidii dawladda talyaanigu aay usii kordhin lahayd kaalmada aay siiso dawladda soomaaliya .Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kale oo uu la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Talyaanioga ,wuxuuna guddoomiyuhu uga warramaya dadkii soo dhaweeyey xaaladda dalka Soomaaliya aay maanta marayso ,dagaalka xoogan oo lagula jiaro ururka argagixisada ah ee alshabaab iyo guulihii dhawaan aay soo hooyeen ciidamada qalabka sida iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM.
Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo aay usoo jeediyeen Soomaalidii madasha joogtay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo Wafdigii uu hoggaaminayey waxaay la kulmeen oo kale wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha aqalka odayaasha ee Talyaaniga.Waxaana Guddoomiye Jawaari  markuu yimid Muqdishow uu sheegay in Guddoomiyaasha  Golaha Baarlamaanka iyo Seenaatka Talyaanigu aay booqasho ku imaandoonaan dalka Soomaaliya.

 

Jawaari3

Maxamad Maxamuud Ibraahim
Qaybta Warbaahinta Kasmaal /Muqdisho/Somalia