Shalay oo bishu ahayd 12 abriil waxaay ku aadanayd sanadguuradii 54.aad ee asaasidii xogga dalka Soomaaliya

Filed under: All News,more news |

Qoslaaye 2

 

Xogga dalka Soomaaliya waxaa la asaasay 12kii Abriil 1960kii

Waxaana kooxdii ugu horreysay oo lagu asaasay xogga dalka Soomaaliyeed laga soo wareejiyey ciidankii booliska soomaaliyeed,kaddibna waxaa la bilaabay in la qoro ciidn cusub oo laga soo uruuriyey gobollada dalka oo dhan ,ciidankaas in la qorayo waxaa ogaysiis looga baahin jiray raadio muqdisho iyo raadio hargaysa waxaana la farijiray in ciddii doonaysa in aay ciidamada ka midnoqoto in aay timaado goob loo cayimay ,waxaana shardiga lagu xulanayo uu ahaa in qofka kamid noqonaya askarta la qorayo uu yahay qof caafimaad qaba oo muuqaal wanaagsan mana jirin shuruud kale oo xagga tacliinta ah oo lagu xiri jiray ,markaa kaddib askarta waxaa lasiin jiray tababar adag ,
Waxaa kale oo qorista askarta barbarsocday saraakiil tirobadan oo badankood loo dirayey dalka Ruushka waxaa saraakiishaas cusub shuruudaha lagu xirayey aay ahayd in aay kasoo baxeen dugsiyada sare aayna ku guulaystaan imtixaanka la iska qaadayo iyo waliba baaritaanka caafimaadka .Saraakiishaas waxaay dalka kusoo noqon jireen marka aay soo dhammeeystaan saddex sano oo waxbarasho ah oo aay ka soo qalanjabiyeen akadeemiyo dalka Ruushka ah ,ama dalka Talyaaniga ama Masar.
Saraakiishaas waxaay hawsha ku bilaabi jireen xiddigle iyadoo darajooyinka ka sarreeya aay ku qaadan jireen hawlkarnimadooda iyo sida aay hawshooda u gutaan.

Ciidamada Soomaaliya waxaay u qaybsameen saddex qaybood oo muhim ah kuwaa oo kala ah ciidamada Dhulka ,Cirka iyo Badda ,saddexdaas ciidan oo agabkooda iyo aqoontooduba u dhammeeyd .Waxaana Soomaaliya laga bilaabo 70meeyadii noqotay dalka ciidan ahaan ugu xoog badan qaaradda Afrika marka laga reebo Masar iy Koonfur Africa.

Dagaalkii Sokeeye oo dalka ka biloowday 1991dii waxaa ku burburay ciidamadii qalabak siday markii askartii iyo saraakiishii aay ku biireen qabaailkii aay u dhasheen ,waxaana muddo labaatan sano kaddib la isku dayayey in dib loo soo celiyo dhismihii ciidamada qalabka sida ,si looga maarmo ciidamada shisheeye oo dalka loo keenay in aay kaalmeeyaan dawladda tabarta daran ee Soomaaliya .
Khudbad u munaasabadaas kasoo jeediyey madaxweeynaha Soomaaliya wuxuu hambalyo u diray ciidamada qalabka sida iyo xaasaskooda ,wuxuuna ku ammaanay ciidamada sida aay argagixisada alshabaab uga xoreeyeen degmooyin badan oo aay dadka ku dhibayeen.Madaxweynuhu wuxuu ku dhiirigaliyey ciidamada qalabka sida in aay sii wadaan  dadaalkooda aay dalka uga xoreeynayaan cadowga Alshabaab

 

Xaafiiska Wararka ee Kasmaal .com /Mogadishu/Somalia