Dadweyne badan oo maanta buux dhaafiyay Xarumaha Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ku leedahay Magaalada Muqdisho

Filed under: All News |

Dadweyne aad u badan ayaa maanta waxa ay buux dhaafiyeen Xarumaha Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ku leedahay Magaalada Muqdisho ,kuwaa oo doonayay in lacagahooda kala baxaan Adeega EVC+ ee Shirkadaasi.

Dadka tagay Xarunta Hurmuud ayaa waxaa gaaray Warar aan jirin oo la xariira in Shirkada Isgaarsiinta Hurmuuday xireyso adeegada EVC+ sidaa darteedna ay dadku ugu yacaeen xarumaha Shirkadaasi si ay lacagahooda ugala soo baxaan.

Cali Fadhaa oo katirsan Masuuliyiinta Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Shirkada Hurmuud ay joojineyso adeega EVC-ga waxa uuna tilmaamay in warkaasi suuqa galiyeen dad beenaalayaal ah.

Dhinaca Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud ayaa Macaamiisheeda waxa ay dhinaca Fariimaha Mobelka ugu direyso Fariimo ay dadweynaha ugu sheegeyso in ay been tahay in Shirkada ay hakineyso Adeega EVC+-ka.

Fariinta Hurmuud Macaamiisheeda u dirtay ayaa u qornaa sida tan ”Waxaan Macaamiisheena Sharafta leh u xaqiijineynaa in Adeegga EVC+ aysan jirin haba yaraatee wax cabsi ah oo ku wajahan , Waxaan maaamiisheena kusiineynaa Kalsooni buuxda iney adeegooda si buuxda u isticmaali karaan hantidooda waqti kasta oo ay u baahdaan ” ayaa lagu yiri Qoraal ay Hurmuud u dirtay Macaamiisheeda.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga hadal hayay arintan ku aadan in Shirkada Isgaarsinta Hurmuud hakineyso adeega EVC+ taa oo keentay in macaamiil badan oo adeegaasi isticmalai jiray ay walaacaan.

M.Birqabad
Xaafiiska warbaahinta Kasmaal.com
Muqdisho Somalia