Guddoomiye Kuxigeenkii Shabeelada hoose ayaa Maanta Bam loogu xiray gaarigiisa

Filed under: All News,more news |

Waxaa maanta ka dhacay qarax agagaarka Jidka Tribuunka qaraxaas oo lala beegsday Kuxigeenka Guddoomiyaha Shabeelada Hoose Mudane Axmed Cumar
Waxaana la rumaysan yahay in qaraxaasi ka dhashay waxyaabaha qarxa oo Guddoomiye kuxigeenka loogu xiray gaarigii uu watay.
Qaraxaas oo burburiyey gabi ahaanba gaarigii waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenkii Shabeelada Hoose Mudane Axmed Cumar oo islamarkiiba loola cararay Cisbitaalka.Qaraxaas kaddibna waxaa goobta soo buuxdhaafiyey ciidamada nabadgalyada oo baaraya sidii qaraxu u dhacay iyo cidda kadambaysay .Dhaawaca gaaray guddoomiye Kuxigeenka Axmed Cumar wuxuu keenay in laga gooyo lugta midig kaddib markii lugtaasi uu qaraxii asi xun u naafeeyey ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo warbaahinta la hadlayey wuxuu sheegay in Guddoomiye kuxigeenkiisa oo lugta laga jaray uu gacanta midigna waxyeelo xoog leh aay kasoo gaartay .
Inkastoo aan cidina sheegan waxaan la kala garanayn in arintaani aay lugta ku hayso dagaalada muddooyinkaanba ka socday Shabeelada Hoose ama aay ka dambeeyaan ururka argagixisada ah ee Alshabaab oo iyagu caan ku ah falalka noocaan oo kale ah

Karax

Maxamad Cali Birqabad
Qaybta warbaahinta Kasmaal.com/Muq/Somalia