Maanta iyada oo aan loo kala harin waxaa lasii sagootiyey Raiisulwasaarihii hore Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Husseen

Filed under: All News |

 

Waxaa maanta Gagida dayuuradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo buuxiyey Madaxdii dalka iyo ergooyin farabadan oo uu hoggaaminayo Madaxweeynaha Soomaaliya
waxaana markii uu soo degay maydka Marxuumka loo galbiyey Masjidka Isbahaysiga oo janaasadiisa lagu tukaday kaddibna waxaa loo qaaday maydkii Qabuuraha qaranka waxaana lagu aasay isla aaggii lagu aasay madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Aadan cabdulle Cusmaan.Waxaa duugtii qaranka ee loosameeyey marxuum Cabirisaaq  janaasadiisa kasoo qaybgalay wufuud badan oo ka socday Gobollada dalka Soomaaliya  iyo ajaaniib farabadan
Taariikhdii Marxuum Cabdirisaaq waxaa xusay madaxdii meesha isugu timid oo uu kamid ahaa Madaxweeynaha dalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka ,Raiisulwasaaraha dalka Soomaaliya ,Madaxweeynayaasha Puntland iyo Jubaland iyo qaar kamid ah safiirada Soomaaliya u fadhiya dalka Soomaaliya .Madaxdii ka sheekaynaysay taariikhdii Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xusseen waxaa giddii isku raaceen in uu ahaa aabihii maamul wanaagga

Iyo ladagaalanka Musuqmaasuqa.Wuxuuna ku sifoobay maamul hufan isagoo ficil ahaan tallaabo ka qaaday cidkasta oo dhacday hantidii qaranka

MayddRisaaq

M.Birqabad
Xaafiiska Maamulka Kasmaal.com/Muqdishow