Wasiirka difaaca ayaa sheegay in saacado ka hor weerarka ay la soo xiriireen saraakiil Mareykan ah, ayna siiyeen xogta hawlgalka ka dhacaya gudaha Soomaaliya

Filed under: All News |

Muqdisho (KSM) Wasiirka Difaaca dawlada federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shaaca ka qaaday maanta in waasaradda difaaca ay ka wahaysay weerarkii ciidamada gaarka ee Mareykanka ka fuliyeen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose subaxnimadii Sabtida ee ina dhaaftay.Wasiirka ayaa sheegay in saacado ka hor weerarka ay la soo xiriireen saraakiil Mareykan ah, ayna siiyeen xogta hawlgalka ka dhacaya gudaha Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in wasaaradda difaaca iyo sirdoonka ay aad ula socdeen dhaqdhaqaaqa hawlgalkaasi.“Runtii waanala soo wargaliyey, waana la soconay hawlgalkaasi oo ahaa mid lagula dirirayo nimankan nabad diidka ah.” ayuu yiri wasiirka.Wasiirka ayaa dhinaca bixiyey faahfaahin aan horey u jirin oo ahayd tirada dadka ku dhintay weerarka ay Mareykanka fuliyeen isagoo sheegay in labo nin oo mid ajnabi yahay uu ku dhintay weerarka.Wasiirka oo ka hadlay hawlgalo ay dhowaan qaadi doonaan ayaa sheegay in dawlada ay diyaarisay ciidamo weerar ku qaada deegaanada ay maamulaan Al Shabaab oo ay ku jirto degmada Baraawe.“Wasaaradu waxay diyaarisay qalabkii ay isticmaali lahaayeen ciidamada iyo mushaaraadkoodaba oo 100% la wada bixiyey si niyada loogu dhiso ciidamada.” ayuu yiri wasiirka.“Hawlgalo badan ayaan qaadna oo ay ka mid tahay kuwii lagu xoreeyay Mahadaay, Buurane iyo Biyocade, dhowaana waxaan gaari doonaa deegaano kale oo ku jira gacanta Al Shabaab.” ayuu sii raaciyey.Wasiirku wuxuu cadeeyay in hawlga;ka AMISOM iyo dawlada kalaba ay gacan ka geysan doonaan duulaanka uu sheegay lagu xoreynayo deegaano gara badan oo weli gacanta ugu jira Al Shabaab.Hub u yimid dawlada federaalkaWarar ku dhow saraakiisha wasaaradda gaashaandhiga ayaa Raxanreeb u sheegay in dawlada federaalka ay dhowaan heshay saanad hub iyo rasaas ah oo uga yimid dawlado kala duwan oo kuwa deriska, gaar ahaan Ethiopia iyo Jabuuti ay ka heshay iyadoo ka faa’ideysaneysa qaadistii cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay qeyb ahaan ka qaaday dawlada dhowr bilood ka hor.Waxaa kaloo jira qalab militari oo ay ka midyihiin Taangiyo uu bixiyey Turkiga oo la rajeynayo in Muqdisho ay soo gaaraan bisha soo socota.Dadka ka faalooda arrimaha militariga ayaa sheegaya nay u badan tahay in dawlada Soomaaliya ay isku haleyneyso hubkaasi ku soo wajahan kaasina ay u adeegsan doonto duulaanka uu maanta ka dhawaajiyey wasiirka difaaca.