Allah ha u naxariisto Halyeeyad Saado Cali Warsame

Filed under: All News,more news |

Saado Caliwar

Waxaa shaly lagu dilay magaalada muqdisho fanaanadii waddaniga ahayd Saado Cali Warsame oo la hubo in aay adkaandoonto in la helo cid buuxisa kaalinteedi waddanonimo iyo codkeedii aay ugu hiilin jirtay dadka laga gardaran yahay ,saado marna kalama bakhiilin codkeeda i fikradeeda cidkasta oo laga gardaran yahay.!990kii iyadoo dalka aan ka cararin diyaarna u ah in xabsiga loo taxaabo bay ahayd fanaanadda qur ah oo mu bareertay in aay ka hadasho dhibtii dalka tiil,iyadoo qaaday heesihii aay kamid ahaayeen: Lankruser,war ninkow ninkow,Burcadii jaseesko ,bokaasaba lasoo dhaaf iyo kuo kale oo halis nafteedu u gashay.
Saado Cali waxaa aad loogu xusuusandoonaa heesihii qiirada lahaa oo aay ugu hiilinaysay dadka la ga gardaran yahay oo heestii ugu dambaysay aay uga hadashay xasuuqa ka socda shabeelada hoose .
Xildhibaan saado cali waxaa dishay gacan ka gardaran,waxaayna dhimatay iyadoo sooman ,ilaahay jannadii Fardowsa ha kawaraabiyo ,ummadda soomaaliyeedna samir niyo iimaan allah ha kasiiyo.

  1. olow wadani culus.

Maxamad Cali Deyr
Waaxda wararka Kasmaal/Muqdisho/Somalia