sh

Siikh Idriis oo ka tirsan culumada waaweeyn oo saakayna lagu dilay xaafada Likoni ee Magaalada Mombasa

Filed under: All News,more news |

sh

Sheekh Maxamed Idiris oo ahaa Wadaad u dhashay dalka Kenya, saakayna lagu dilay xaafada Likoni ee Magaalada Mombasa, ayaa waxaa isla galabta lagu aasay Magaalada Mombasa.

Boqolaal ka tirsan Muslimiinta ku dhaqan Magaalada Mombasa, ayaa isugu soo baxday aaska Sheekh Maxamed Idiris, waxaana lagu aasay Khabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Mombasa.

Dilka Sheekh Maxamed Idiris, ayaa wuxuu dareen ku yeeshay shacabka Muslimiinta ah ee degan Magaalada Mombasa iyo gebi ahaanba dalka Kenya, iyagoo looga digay in ay dhibaato geystaan.

Culima’udiinka Magaalada Mombasa oo shir jaraa’id qabatay, ayaa waxay marka hore cambaareeyeen dilka Sheekh Maxamed Idiris, iyagoona Dowladda Kenya ka dalbaday inay keento kuwii dilka geystay.

Culimadu waxay ku baaqday in dadku ay dareenkoodu dejiyaan, isla-markaana ay Dowladda Uhuru Kenyatta ka doonayaan in ay Cadaalada horkeento dhagar qabayaashii dilka fuliyay.

Sheekh Maxamed Idiris, ayaa wuxuu ahaa Madaxii Golaha Imaamyada iyo Ducaadda Muslimiinta ee dalka Kenya. Waxayna Boolisku sheegeen inay baarayaan cidii dilkiisa geysatay.

Cabdirisaaq Qarsho
Waaxda Wararka kasmaal.com/Nairobi Kenya