Gacan ku dhiiglayaal Qirtay Dilkii Marxuumad Nafiiso Cusmaan oo nabadsugiddu soo bandhigtay

Filed under: All News,more news |

 

Ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo markii la qabtqy qirtay in aay ka dambeeyeen dilkii Marxuumad Nafiiso Salaad oo ahayd Gabar dhalinyaro ah oo oo dhawaan ka qalinjabisay   Jaamacadda UNISO,Marxuumadaas waxaa lagala baxay gurigeeda oo ku yaal xaafadda yaqshiid  lixdii bishaan  waxaana lagu toogtay banaanka gurigeeda iyadoo waalidkeed aay ka daba qaylinayeen.Labada dhaliyaro oo qirtay dilkii Marxuumad  Nafiiso ,waxaa ka tirsan yihiin ururka argagaxisada ee Alshabaab oo caadaystay in aay ugaarsadaan aqoon yahanka iyo.

81

indheergaradka Soomaaliyeed.Labadaas gacan ku dhiggle waxaa lakala yiraahdaa Xassan Maxamad Cabdi oo shabaabku u baxsheen  Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi ,labadaas nin waxaay qirteen in aay madaxa iyo qoorta ka toogteen marxuumad Nafiisa,waxaa kala oo aay qirteen labadaas gacan ku dhiigle in aay khaarajiyeen dadka kale oo isugu jira rayad iyo ciidamo.Labadaan eedeeysane waxaa lagu soo qabtay hawlgal aay sameeyeen ciidamada nabadsugidda.
Waxaa kale oo goobta lagu soo bandhigay haweenay  magaceeda la yiraahdo deeqo diric oo caan ka ah degmada Heliwaa  oo wiilashaan gacan ku siin jirtay dilalka qorsheeysan islamarkaan  alshabaab u qarin jirtay hubka aay wax ku dilaan .
Gacan ku dhiiglayaasha oo u waramayey wariyayaasha waxaay dawladda ka codsadeen in cafis loo fidiyo oo aan loo qisaasin dadkii faraha badnaa oo aay dileen.

 

80-618x347

Dad badan oo soomaali ah oo daawaday barnaamijkii lagu soo bandhigay gacan ku dhiiglayaasha
qirtay dilalka kala gaddisan waxaa raýi ahaan usoo jeediyeen in si degdeg ah loo toogto gacankudhiiglayaashaas.

 

 

Waaxda Wararka ee Kasmaal.com
Mogadisho/Somalia