Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdixakiim Daahir (Saacid) oo Shalay ka degay Gaalkacyo

Filed under: All News,more news |


Waxaa sii diiran shalay loogu soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha ee Gaalkacyo Taliyaha Ciidamada
Booliska Jeneraal Saaciid.Soo dhaweeynta taliyaah looma kala harin waxaana ka qaybgalay labaad Maamul
ee Puntland iyo Galmudug.Generaalku wuxuu
ka warbixiyey ujeedada safarkiisa isaga oo sheegay in aay u khuurgalayaan xaaladda booliska maamulada
Puntland iyo Galmudug.Gebneraal Saaciid wuxuu si aad ah u
ammaanay wadashaqaynta xagga nabadgalyada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland oo
dhawaan muujiyey wadashaqayn taas oo dan u ah buu yiri taliyuhu labada maamul.
Generaal Saacid wuxuu uga sii gudbay magaalaad gaalkacyo magaalada Garoowe caasimadda Puntland
Halkaa oo uu kula shiridoona Madaxda sarsare ee ciidamaada Booliska iyo madaxda Puntland.
Jebneraal Saacid wuxuu dhawaanba waday olole loogu jiray sidii booliska Soomaaliyeed aay uga shaqayn lahaayeen
dalka Soomaaliya oo Dhan iyagoo islamar ahaantaasna helaay xuquuqda ka maqan .

Cali Xusseen (Gardaad)
Waaxda Wararka Kasmaal /Garoowe Puntland