Shabaab oo Jaabsaday darbiga Madaxtooyada Gudaheedana Madax Sare ku laayey

Filed under: All News,more news |

Villa

Maanta oo jimce ah waxaa weerar lagu soo qaaday madaxtooyada iyadoo koox ka tirsan Alshabaab aay soo jabsadeen darbiga madaxtooyada ee Xiga degmada Boondheere iyagoo gudaha usoo galay madaxtooyada muddo koobanna haystay qayb kamid ah madaxtooyada ,nasiib wanaag madaxweeynaha Soomaaliya waa ka nabadgalay dagalkaas aay soo qaadeen Alshabaab iyadoo dhammaanba la toogtay kooxdii Alshabaab oo ka koobnayd toban dhalinyaro ah oo gashanaadharka ciidamada qalabka sida .Weerarkaas waxaa ku geeriyooday xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya oo muhim ah waxaana kamid ahaa Agaasimihii guud ee xaafiiska Raíisulwasaaraha Maxamuud Xirsi(Indhacase)oo kamid ahaan jiray jaaliyadda Soomaaliya ee dalka kanada ,waxaa kale oo weerarkaas isaguna ku geeriyooday Jeneral Nuur Shirbow oo kamid ahaa ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed.
Inkasta oo dawladdu aanay faahfaahin bixin waxaa goobjoogayaal aay caddeeyeen in aay indhahooda ku arkeen dhawr askari oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo halkaa ku geeriyooday .

Waxaa dad badan la yaaban yihiin sida Alshabaab si sahal ugu soo galeen madaxtooyada iyadoo madaxtooyadu aay kamid tahay goobaha sida xoogan loo ilaaliyo .Iyadoo beryahaanba lagu eeydeeynayo masuuliyiinta amniga in aanay waxba ka qaban amniga caasimadda .Weerarkii maanta waxaa ku geeriyooday 12 qof oo sagaal kamid ah aay alshabaab aay ahaayeen ,saddexna aay ahaayeen saraakiil sarsare ee dawladda.Alshabaab ayaa sheegtay weerarkaas waxaayna sheegteen in aay weerarkaas ka gaareen ujeedadii aay ka lahaayeen.

Waaxda Warqabadka Kasmaal
                                   Muqdisho/Somalia