<" />

Berri oo Jimce ah ayaa La keeni doonaa Maydkii Marxuum Cabdirizaaq Magaalada Muqdisho.

Filed under: All News,more news |

 

 Abdirisak

.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga heerka Qaran oo loo xilsaaray aaska Raiisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdirizaaq Xaaji Xusseen waxaa berito oo jimce ah la keeni doonaa magaalada muqdisho Meydka marxuumka oo isla berrito lagu aasidoono qabuuraha qaranka ee Magaalada Muqdisho iyadoo loo samayndoono aas qaran ,waxaana magaalada muqdisho kusoo qulqulaya wufuud kala gaddisan oo ka imaanaysa gobollada dalka iyo dawladaha dariska ah si aay uga qaybgalaan aaska loo samaynayo Marxuum Cabdirizaaq Xaaji Xusseen Raiisulwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Somalia.
Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xusseen Waxaa lagu xusuustaa maamul wanaag iyo ladagalanka musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweeynaha.
Haddii aanu nahay bahda kasmaal waxaan tacsi u diraynaa ummadda Soomaaliyeed annaga oo u rajeeynayna Marxuum Cabdirizaaq in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo annaga oo dhanna samair iyo iimaan naga siiyo

M.Birqabad
Xaafiiska warbaahinta Kasmaal.com
Muqdisho Somalia