Isbitaalka Madiina oo Hayadda Bisha Case e Imaaraadku aay Gaarsiisay Deeq Daawo Ah

Filed under: All News,more news |

Redcross

Deeqdaan waxaay katimid Dawladda Imaaraadka Carabta waxaana loogu deeqay Cisbitaalka madiina oo daawadaas baahi weeyn u qabay iyo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo iyagu faraha ku haya cisbitaalo gaar ah oo aay yimaadaan bukaan socod farabadan.
Deeqdaa Imaaraadku waxaay ka kooban tahay  30 kartoon oo u badan daawada lasiiyo dadka qaba cudurka kaneecada dheddiga ahi aay keento oo loo yaqaan Duumada ama Malariyada,jiradaas oo dad farabadan oo soomaali ahi aay u dhinteen qaar kalana aay la ildaran yihiin .
Madaxa Bisha cas ee imaaraadka oo deeqda guddoonsiinayey Cisbitaalka Madiina iyo ururka Takhaatiirta wuxuu sheegay in daawadaasi aay ka timid oo uu soo dhiibay Madaxweeynaha dawladd Imaaraadka Khalifa Bin Sayid Alnahyaan.
Markii uu deeqda guddoomay ayaa Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamad Yusuf Xassan  uu ugu mahadnaqy Imaaraadka Deeqdaan wax ku oolka ah oo aay u fidiyeen ,waxaa kale oo isna koobtaas mahadnaq ka jeediyey goobtaas ka jeediyey Dr Muumin o oka wakiil ahaa ururka dhakhaatirta Soomaaliyeed oo mahadnaq ujeediyey dawladda imaaraadka

M.Birqabad
Waaxda Wararka Kasmaal /Muqdisho/Somalia