Allah ha u naxariistee waxaa geeriyooday Cabdirizaq Xaaji Xusseen Raiisulwasaarihii 2-aad ee Soomaaliya

Filed under: All News,more news |

Abdirisak

Waxaa Xalay Dalka Mareeykanka ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Raiisulwasaarihii Hore ee Somalia
Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Husseen oo ah halgamaa ka qaybqaatay dagaalkii loo galay dhidbidda Xorriyadda
Marxuum Cabdirizaaq Xaaji Xusseen wuxuu Noqday Raiisulwasaaraha Somaaliya 1964tii wuxuuna jagadaas
hayey ilaa 1967 ,isagoo intii xilka uu hayey ku caanbaxay maamul wanaag iyo ciribtirka musuqmaasuqa.
Marxuum Cabdirizaaq  Xaaji Xusseen  wuxuu ku dhashay Magaalada Gaalkacyo. 24 December 1924 
1969kii Markii Kacaankii ka curtay dalka Soomaaliya Marxuum Cabdirizaaq wuxuu kamid noqday madaxdii
xabiska loo taxaabay isagoo xilligaas ahaa xubin ka tirsan Baarlamaankii lasoo doortay  March 1969kii.
Dawladdii kacaanku waxaay u magacawdo Marxuum  Cabdirizaaq Xaaji Xusseen in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya
ee Qaramada Midoobay  1974tii ,  wuxuuna jagadaas hayey ilaa 1979kii . Intii lagu jirey dagaalka sokeeye ee Soomaaliya , Marxuum Cabdirizaaq wuxuu talooyin wax ku ool ah ka gaysan jiray sidii loosoo celin lahaa qarannimada Soomaaliya.
Marxuum Cabdirisaaq intii uu hoggaanka Soomaaliya hayey waxaa dawladdiisa taariikh ahaan lagu tilmaamaa dawladdii ugu wanaagsanayd oo soo marta dalka Soomaaliya wuxuuna ahaa Raiisulwasaarihii soo saaray Busto Rosso(Warqaddii casayd)oo ahayd warqad kadis ah oo loo diri jiray dhammaan Agaasimayaashii guud ,Guddoomiyayaashii Gobollada iwl ragaas shaqada
laga eryey waxaay ahaayeen rag baaritaan dheer kaddib la ogaaday in aay ku hodmeen hantidii qaranka,arintaasi waxaay keentayin uu dalka Soomaaliya laga, tirtiro Musuqmaasuqa  .
Websitka Kasmaal tifaftirayaashiisa  iyo maamulkuba waxaay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qaranka Soomaaliyeed
iyo eheladii uu ka geeriyooday ,isagana ilaahay jannadii fardowsa ilaahay ka waraabiyo.

 

Qaybta Warbaahinta ee Kasmaal