Lixbilood kaddib waxaa lasiidaayey  xalay Xassan Daahir Aweeys oo ilaa " />

Xassan Daahir Aweeys oo lasiidaayey

Filed under: All News,more news |

 

Lixbilood kaddib waxaa lasiidaayey  xalay Xassan Daahir Aweeys oo ilaa 2006dii dagaal hubaysan kula jiray dawladda Soomaaliya kuna biiray kooxda dhiigyahabka ah ee Alshabaab
Daahir Aweeys wuxuu farciddi leh uga badbaaday  khaarajiintii Godane markii uu si qarsoodi ah  uga soo dhuuntay magaalada Baraawe iyagoo doon yar oo kuwa kalluumaysiga ah kusoo dhuuntay,waxaa kale oo lasiidaayey dhalinyaradii ilaalada u ahayd oo lasocotay .
Siidaynta Xassan Aweeys muran badan baa ka dhashay iyadoo uu diiday in uu oggolaado shuruudihii dawladda Soomaalia ku xirtay oo ahaa in uu  ku dhawaaqo in uu ka baxay halgankii hubaysnaa oo uu kula jiray dawladda iyo in uu dawladda aqoonsado.
Daahir Aweeys si cad buu u diiday ictiraafka dawladda iyo in uusan joojinayn halgankii uu ku jiray.Waxaa la rumaysan yahay in Sh.Xassan Daahir aay badbaado u ahayd in uu dawladda Isku dhiibo haddii kale aay ugaarsan lahaayeen Alshabaab oo fulinaya amarkii taliyahooda Godane oo ahaa in la kharajiyo Xassan Daahir

M:Birqabad
Waaxda Wararka Kasmaal Muqdisho