Wasiirkii dagaa meel ka baxsan Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo loo balan qaaday Bilad

Filed under: All News |

 

tartar1

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeesay bilad sharfeed u balan qaaday in ay siin doonaan Wasiirkii daga meel ka baxsan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa u balan qaaday Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya hadii ay dagaan qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho oo ka baxsan Xeendaabka Madaxtooyada in ay siin doonaan Bilad.

Tarsan ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ku nool ay aamineen in goobaha ay mas’uuliyiinta dowladdu deggen yihiin ay yihiin amni iyagoo ka baqaya inay meelaha kale tagaan, haddiise ay wasiirradu dagaan ra’yigaas uu isbedelayo.

“Wasiirrada cusub waxaan ugu baaqayaa inay degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan dagaan, oo aysan isku soo koobin agagaaarka madaxtooyada kaliya, taasina waxay qayb ka qaadan karta xoojinta ammaanka caasimaadda,” ayuu yiri Tarsan .

Hadalka Tarsan ayaa imaanaya Xili qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay aad uga cabsadana Masuuliyiinta Dowada in ay tagaan ama dagaan, iyadoona taa badalkeeda daga xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada iyo Garoonka Aadan Cadde

 

M.Birqabad
Waaxda Wararka Kasmaal /Muqdisho/Somalia