Danjiraha Faransiiska Remi Marechaux oo Warqadihii Aqooniga u Gudbiyey Madaxweeyne Xassan

Filed under: All News |

20

Laga bilaabo maanta waxaa si rasmi ah dawladda Faransiisku ugu magacawday Mr Remi Marechaux kaddib markii Madaxweyne Xassan Shiikh uu ka guddoomay waraaqihii aqoonsiga Danjiraha Faransiiska ee Soomaalia.
Intii lagu jiray Xafladda soodhaweeynta Danjiraha Faransiiska waxaa  madaxweyne Xassan uu ugu mahadnaqay dawladda Faransiiska kaalmada aay had iyo jeer la garab taagan tahay shacabak Soomaaliyeed wuxuuna madaxweeynuhu xusay xiriirkii soo jireenka ahaa oo ka dhexeeyay dawladda Soomaaliya iyo dawladda faransiiska.Danjiraha Faransiiska ayaa isna dhankiisa uga mahadnaqay Madaxweeynaha Soomaaliya sida diiran oo loosoo dhaweeyey .
Madaxweeynah Soomaaliay wuxuu danjiraah dal Fransiiska u sharaxay horumarkii Soomaaliya aay ku tallaabsatay halkii sano ee dawladda Soomaaliya aay jirtay.

M.Birqabad
Waaxda Wararka ee Kasmaal.com/Mogadishu/Somalia