Ciidamda kooxda Alshabaab oo weerar kadis ah kusoo qaaday Mahaddaay

Filed under: All News,more news |

Mahaddaay

Ciidamada Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar alma filaan ah kusoo qaaday ciidamada dawladda 
oo dayacan isla markaana badankood hurdo ku jireen.
Xoogagga Alshabaab waxaa usuurogashay in aay magaalada si kumeelgaar ah u qabsadaan magaalada waxaay doonaanan ka sameeyaan iyagoo tallaabo aargoosi ah kula dhaqmay dadka reer
mahadday ,islamarkaana aay bililiqaysteen goobo ganacsi .
Alshabaab waxaay dileen ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyagoo islamarkaana gubay qaar kamid ah teknikadii ciidamaad ,dhowr tekniko ahna qafaashay.
Si aay shacbiga argagax ugu ridaan waxaay alshabaab bilaabeen in aay muwaadiniin reer Mahaddaay ah aay gawracaan oo madaxa ka gooyaan ,waa falalkii khawaarijnimo oo alshabaab aay ku caanbaxeen,waana fal waxashnimo ah oo qof diin sheeganaya ama muslinimo ku abtirsada aanay ka suurtoobin.
Midda kale waxaa dad badan oo reer Mahadday ah oo aanu xiriir la yeelanay aay sheegeen in ciidamadu  aaynan gudan xilkoodii ahaa in aay shacbiga ka daafacaan Alshabaab.

 

M.Birqabad
Waaxda Wararka Kasmaal /Muqdisho/Somalia