Faroole oo xilkii ku wareejiyey Madaxweeynaha Cusub

Filed under: All News,more news |

____________________________________________________________________

Faroolexil
Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacday xaflad xilka lagula kala wareegayey.
Madaxweeynihii Hore oo Puntland Mudane Faroole oo hal cod oo keli ah looga guulaystay wuxuu xilkii k wareejiyey
Madaxweeynaha Cusub Prof.Cabdi Wali Gaas oo horay usoo ahaa raiisulwasaarihii dawladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.
Khudbado ayeey isweeydaarsadeen labada  madax ,waxaana Mudane Faroole ooMadaxweeynaha uu xilka ku wareejinayey ku tilmaamay
nin culus oo khibrad iyo aqoon leh oo horay u wadikara Puntland himilooyinka ummaddana hirgalin kaar.
Madaxweeynaha Cusub ee Puntland wuxuu aad u ammaanay waxqabadkii madaxweeynihii talada ka degay Mudane faroole wuxuuna ballanqaaday in uu horay usii wadidoono horumarkamka jira Puntland.Waxaa goob joog ka ahaa xilwareejintaas dhammaan wasiiradii Faroole ,xubnaha baarlamaanka iyo hawlwadeenada dawladda
Puntland iyo madaxda sare ee amniga.

 

 

Xassan Muuse
Qaybta Wararka kasmaal.com/Garowe