Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xilkii la wareegay.

Filed under: All News,more news |

 

Baarlamaanpunt

Waxaa maanta xilkii guddoomiyaha baarlamaanka puntland si rasmi ah ula wareegay Guddoomiyaha cusub oo dhawaan la doortay Mudane Saciid Xassan Shire waxaana xilka uu kala wareegay guddoomiyihii hore MudaneCabdirashiid Maxamad Xirsi.
Xilwareejintaas o oka dhacday xarunta baarlamaanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweeynaha Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ,waxaa kale oo goob joog ka ahaa munaasibadaas xildhibaanada baarlamaanka iyo shaqaalaha ka hawlgala xarunta baarlamaanka.Waxaa kale oo dhawaan la filayaa in Madaxweeynaha Cusub Mudane Cabdiwali uu xilka kala wareego madaxweeynihii Hore Mudane Faroole.

 

Xassan Muuse
Qaybta wararka Kasmaal/Garoowe