Puntland waxaa laxoojiyey Nabadgalyadii Caasimadda

Filed under: All News,more news |

Siciid-Dheere
Ciidamada Qalabka sida ee dawladgoboleedka Puntland waxaa la gashay heegan si aay u sugaan nabadgalyada goobaha doorashadu ka dhacayso,waxaana lagu amray murashaxiinta in aay ka soo tagaan ilaaladooda iyagoo lugaynayana aay soo galaan xarunta doorashada.
Maalinta doorashada oo ku aadan bisha 8 Jannaayo waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqyada gadiidka iyo dadkaba inta doorashadu socoto
Taliyaha Ciidanka daraawiisha Gen.Saciid Maxamad Xirsi (Saciid Dheere)oo ah guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray sugidda nabadgalyaad inta doorashadu socoto wuxuu sheegay in la xirayo laamiga dheer oo isku xiriiriya Garoowe iyo gobollada kale.Waxaa ciidamada Puntland oo ku sugan karoowe aay xoojiyeen hawlgalkii aay ka sameeynayeen magaalada garoowe iyo daafaheeda,waxaana la baarayey gaadiidka iyo dadka laga shakiyaba.
Taliyaha Ciidanka hawlgalka Jeneral Said Dheere wuxuu ka codsaday dadweeynaha in aay gacan ka siiyaan sidee amniga loo sugi lahaa.

 

Xassan Muuse
Waaxda wararka Kasmaal /Garoowe