Baarlmaanka Cusub ee Puntland oo Guddoomiye KMG ah doortay

Filed under: All News,more news |

Baarlapunt

Waxaa maanta Magaala Madaxda Garoowe ee Puntland shir ku yeeshay Baarlamaanka Cusub ee Puntland oo ka kooban 66 Mudane.Xarunta Baarlamanka oo aay soo xaadireen gabi ahaanba xildhibaanada cusub waxaay ku doorten guddoomiye ku meelgaar ah waxaana loo doortay Mudane Cali Axmad Cusmaan oo noqday xildhibaankii ugu da´da weeynaa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub wuxuu jagada sii haynayaa inta guddoomiye Rasmi ah
iyo kuxigeenadiisa la dooranayo ,kaddibna waxaa 8 bishaan jannaayo la dooraandoonaa madaxweeynihii Puntland oo aay ku tartamayaan in ka badan toban musharax.
Doorashada Xildhibaanada waxaa cabasho xoog leh ka muujiyey haweenka oo sheegay in  isimadu aay door bideen in aay rag keli ah soo magacaabaan .Waxaa kale oo si aad ah doorashadaan aad uga cawday bahweeynta madhibaan oo sheegay in aanay puntland ka helin xuquuqdii aay lahaayeen .

Xassan Muuse
Waaxda Wararka Kasmaal.com/Garoowe