Filed under: All News,more news |

Shir Maanta aay Yeesheen Cadde Muuse iyo Faroole oo ku dhammaaday Isafgarad

Farlle25
Waxaa maanta madaxtooyda Puntland ku kulmay wadahadalna ku yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole iyo Madaxweeynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse.Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dhammayn lahaa khilaafkii dhexyiil labadaas Masuul oo muddaba warbaahinta isu marinayey ereyo cambaarayn ah ,waxaana ugu dambaystii la isku raacay in si wadajir ah loo taageero sidii doorashada Puntland aay  u noqon lahayd mid ku dhammaada guul iyo nabad
Waxaana Madaxweyne Faroole uu sheegay in uu si hufan xilka ugu wareejin doono qofkasta oo la doorto oo ku guulaysta xilka madaxweeynanimada .

Horay ayaa loo dhammeeyey khliaafkii dhexyiil madaxweyne Faroole iyo Musharaxiinta jagada madaxweeynaha oo ku saabsanaa guddiga xallinta khilaafaadka.
Muddada Doorashada madaxwenaha waxaa loo muddeeyey 8-Jannaayo 2014 oo cod hal dheeri ah aay ku kala bixidoonan musharaxiinta madaxweeynanimada

 

Xassa Muuse (Xassan Carab)
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Boosaaso