Waxaa maanta dalka ku soo laabtay Madaxweeyne Xassan Shiikh

Filed under: All News,more news |

Gurguurte4
Waxaa maanta magaalada muqdishow kusoo noqday guddigii uu hoggaaminayey madaxweeynaha dalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud,wafdigaas waxaa gagida dayuuradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Maxmad Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Raiisulwasaaraha cusub mudane Cabdiwali Shiikh.
Madaxweeynaha dalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey waxaay kasoo laabteen shirkii ku sabsanaa arrimaha Koonfurta Suudan oo magaalada Nairobi aay ku yeesheen madaxda Afrikada Bari. Shirka IGAD aay ku yeelatay shalay magaalada Nairobi waxaa wariyaasha u faahfaahisay Fowsiya Yusuf Xaaji oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya waxaayna Marwo fowsiya aay ku tilmaantay shir guulaystay oo laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa ,iyadoo lagu qanciyey aayna ogoolaadeen Silva Kiir iyo  kuxigeenkiisii in aay u hoggaansamaan heshiiska loogu baaqaynoo ah in aay aqbalaan waanwaanta dhaxalgalka ah oo loogu baaqay iyadoo baaqaas aay oggolaadeendhammaanba dhinacyadii awoodda ku looltamayey inkastoo xeeldheerayaasha siyaasaddu aay sheegeen in dgalkaas uu muddo dheer socondoono sbabtoo ah waa dgaal ka dhex dhacaya labada qabiil oo u waaweeyn     qabiilada koonfurta Suudaan. Madaxweeynaha iyo Raiisulwasaaraha waxaa laga filayaa in aay degdeg usoo magacaabaan golihii wasiirada.

 

M.Cali Birqabad
Xaafiiska Wararka Kasmaal/Muqdisho