Isimada Puntland oo soo saaray goaamo ku Saabsan Doorashada

Filed under: All News,more news |

 

Isimo4
Waxaa shirkii isimada uga socday baryahaan magaalada Garoowe  ka soo baxay go,aamo aay u dhan yihiin qalinkana aay ku duugeen isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland ,go,aamadaas ooku saabsan sidii doorasho xalaal ah oo hufan aay uga dhici lahayd dawlad goboleedka Puntland iyo sidii loosoo afjarilahaa khilaaf kasta oo dhaca inta doorashada lagu jiro.waxaayna isimadu soo saareen go’aamo saddex qodob ka kooban oo aay qalinka ku duugeen qodobadaas oo ahaa:
1.In doorashada lagu dooranayo Madaxweeynaha laguna kala reebayo musharaxiinta aay dhacdo xilligii loogu talogalay oo ah 8da bisha Jannaayo
2.In aan xubnaha baarlamaanka cusub la gudbin lana shaacin ilaa isimadu aay ka xalliyaan khilaafaadka ka yimaada xubinnimada Golaha Baarlamaanka
3.In inta lagu jiro xilliyada doorashada aay isimadu diyaar u yihiin in loosoo gudbiyo aayna xalliyaan ismaandhaaf kasta oo ka dhasha doorashooyinka-
Isimadu waxaay go,aamadooda toos ugu direen guddiga khilaafaadka waxaayna ogaysiin ahaana ugu direen Madaxweeynaha Puntland Faroole iyo Wakiilka Xoghayaha Guud JQK ee dalka Somalia Mudane Nicholas Kay.
Waxaa go,aanka saxiixay isimada magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

  1. Boqor Burhaan Boqor Muuse_________________________.
  2. Suldaan Saciid Suldaan cabdisalaan_____________________
  3. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle __________________________
  4. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin__________________________
  5. Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Cabdulahi___________________
  6. Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax_________________________
  7. Beeldaaje Ismaciil Beeldaaje Yasiin_______________________
  8. Suldaan Maxamad Axmed Cabdulle (Buurtinle)__________________
  9. Sulaan Subayr Xaji Maxamud__________________________________

10. Beeldaaje Maxamad Beeldaaje Axmed_______________________

11. Suldaan Cabdiqani Suldaan Cali Baale_______________________

12. Suldaan Maxamed Suldaan Maxamud Cilmi_______________________

13. Islaan Axmed Islaan Maxamud Islaan Maxamad__________________

14. Suldaan Cabirishiid Muuse Shire_____________________________

15. Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Yusuf_________________________

16. Caaqil Cabdiwahaab Maxamud Gurey _

Inkasta oo uusan wax war ah ka soo saarin waxaa la rumaysan yahay in Faroole uu
u hogaansamidoono Go,aanka Isimada oo ah marjaca ugu dambeeya oo la cuskado.

Xassan Muuse
Waaxda Wararka Kasmaal/Garoowe

Waaxda Wararka Garoowe