Xukuumaddu waxay soo qaadi doontaa oo keliya kuwa doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan. Wa" />

Xaaladda Keenya

Filed under: All News |

Xukuumaddu waxay soo qaadi doontaa oo keliya kuwa doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan. Waxaana lagu wadaa in maanta ay keento diyaarad laga leeyahay Kenya oo tagaysa Jubba muwaadiniinta Kenyanka ah,” ayay hadalkeeda raacisay.

Hadalka wasiiradda arrimaha dibadda Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka dhacayeen magaalada Jubba ee xarunta u ah dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo uu ka dilaacay dagaal u dhexeeya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku nool ajaanib fara badan oo ay ka mid yihiin Soomaali, kuwaasoo ku haysta ganacsiyo iyo shaqooyin kala duwan, iyadoo lagu dilay dalkaas muwaadin Soomaaliyeed oo dukaan ku lahaa Jubba.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo shaaciya in ay muwaadiniintooda kala soo baxayaan Koonfurta Suudaan, iyadoo uusan jirin dal kale oo ku dhawaaqay inuu dadkiisa kala soo baxayo Koonfurta Suudaan.