Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweyna" />

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dagaallo Beeleed uma Dul-qaadanayno Qas-wadayaashana Tallaabo adag ayaa laga Qaadayaa”

Filed under: All News |

Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada.

“Waxaa nasiib-darro ah in deegaannada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegananada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya colaadaha oo sii horinayo, ujeedaddooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida dowladdu uga xun tahay dagaallada soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna isagoo arrintaas mar kale ka hadlaya uu yiri:

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaysa dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka. Qas-wadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada kasoo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood. Cid allaale iyo cidii is-hortaagta nabadeyntana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda dowladda ayaa ah in khilaaf kasta lagu xaliyo wadahadal.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii baaq u diray odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, ururrada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaannada dagaalladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsanaynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qas-wadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka ay ka hirgasho dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci.

Hadalkan madaxweynaha oo u muuqday mid adag ayaa wuxuu imaanayaa xilli saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay gobolka Shabeellada Hoose ka dhaceen dagaallo ay ku lug lahaayeen ciidamada dowladda Soomaailya oo la safan beelo uu dagaal u dhexeeyo.