Qarax khasaare geystey oo goor dhow Boosaaso ka dhacay

Filed under: All News |

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo loo adeegsaday bumbo nooca gacanta ah, waxaa lagu tuuray maqaayad shaaha laga cabbo oo ku taal dhabarka dambe ee saldhigga dhexe ee booliska magaalada Boosaaso.

xeerilaaliyaha

 

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Bari, Bashiir Ismaaciil (Hoobaleey)

Hawl-wadeenada isbitaalka magaalada Boosaaso oo aan xiriir la samaynay, ayaa noo sheegay in isbitaalka lasoo gaarsiiyey shan qof oo qaraxaas kusoo dhaawacmay, kuwaas oo mid kamid ah oo haweeney ahayd ay markii dambe isbitaalka ku geeriyootey.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira xeer-ilaaliyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, Bashiir Ismaaciil Axmed (Bashiir Hoobaleey), iyo weliba qareen lagu magacaabo Cadceed.

Sidoo kale, waxaa dadka dhaawaca ah kamida labo qof oo rayid ah, kuwaas oo mid kamid ahi uu dumar yahay. Hawl-wadeenada caafimaadka ayaa xaqiijiyey in xaaladda caafimaad ee dadka dhaawaca ahi ay tahay mid wanaagsan.

Ciidamada Booliska ayaa xiray aagga uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo ay weli baaritaanno ka wadaan. Wixii warar ah oo kasoo kordha arrintan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa…