Kismaayo :Dibad-bax lagu Taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Filed under: All News |

Boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah ayaa saaka waxa ay guryahooda uga soo kalaheen si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan ra’isul wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Max’ed.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, Haween, Dhalinyaro, Odoyaal iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay isugu yimaadeen xarunta Degmada Kismaayo, iyaga oo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan masuulka cusub ee loo magacaabay xilka ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qeybgalay dibadbixii maanta ayaa dhamaantoodba si isku mid ah u taageeray ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyagoona ku tilmaamay in uu yahay nin kasoo bixi kara xilka loo magacaabay.

Goobta ayaa waxa khudbado kala duwan ka jeediyay haween, odoyaal, dhalinyaro iyo madax ka tirsan maamulka, waxayna dhamaantood amaanee ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed Max’ed.

Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay Max’ed Nuur Gacmadheere oo kamid ah masuuliyiinta degmada Kismaayo islamarkaana ku hadlayay magaca maamulka Jubba, waxa sheegay in maamulka Jubba uu soo dhaweynayo ra’isul wasaaraha cusub ee dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa ra’isul wasaaraha cusub ee dalka, waxaana rajeynaynaa in uu wax badan qaban doono, Jubbaland-na waxaan rajeyneynaa in uu wax weyn u qaban doono,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud uu u magacaabay xilka ra’isul wasaaraha dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa waxa isa soo tarayay taageerada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan masuulkan cusub, iyagoona ku tilmaamay in uu yahay nin khibrad iyo waayo aragnimo leh islamarkaana kasoo bixi kara howsha loo igmaday.