Urur gobolledka IGAD ayaa mas’uul cusub usoo magacaadey Soomaaliya

Filed under: All News |

Urur gobolledka IGAD ayaa mas’uul cusub usoo magacaadey Soomaaliya,kaaso u qaabilsanan doonna arrimaha Soomaaliya .

IGAD waa urur ay ku mideysanyihiin dalalka dhaca barriga Afrika,waxana dal walba uu ururku ku leeyahay ergey si gaar ah ugu warhaya arrimaha ka dhacaya,waxana Soomaaliya xilligaan loo magacaabay siyaasi in badan ku soo dhexjiray siyaasada barriga Afrika oo horrey xilal horre usoo qabtay.

U qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya ee IGAD ayaa xilligaan waxaa laga dhigay danjire Maxamed Cabdi Afeey ,kaaso horrey soo noqdey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya,waxana uu sidoo kale soo maray sannadkii 2003 danjirihii dowladda Kenya ee dalka Soomaaliya, waana mas’uul muddo kusoo jiray siyaasadda dalka Kenya.

Maxamed Cabdi Afeey sidoo kale waxaa lugu xasuusta hannaankii siyaasada ee Soomaaliya, waxana uu hoggaamiye u ahaa wafdi ka socday Kenya oo Soomaaliya yimid xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Kenya ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xassan.

Maxmuub Macallin,oo ah xog-hayaha guud ee urur gobolledka IGAD ayaa si weyn usoo dhaweeyey magacaabista siyaasigen loo dhibay inuu noqdo u qaabilsanaha IGAD ee Soomaaliya.

…”””Waxaan uu arka inuu yahay Maxamed Cabdi Afeey,shaqsi mudnaa xilka maadamaa muddo uu ku soo jiray siyaasada barriga Afrika waxana ufududan doonnta shaqo badan,waana soo dhawenaya magacaabistiisa…”””ayuu yiri xoghayaha guud ee IGAD, Maxmuub Macallin.
Magacaabista Maxamed Cabdi Afeey,waxaa ay ka dhigaysa ergaygii ugu horreeyay oo Kenyan ah oo uu ururka IGAD u soo magacaabo inuu wakiil joogto ah uga noqdo Soomaaliya.