Jawaari: Gudigga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay isku raaceen in maalinnimada Arbacada RW cusub la horkeno

Filed under: All News |

kulan waqti qaatay oo maantay xafiiska guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ke dhexmaray guddoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka,ayaa waxaa laga codsadey in madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno maalinnimada Arbacada ah ee toddobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December.

Qodobbada looga hadlay Shirka Guddiga Joogtada ah oo socday mudo Lix saacadood ah ayaa waxa ay kala ahaayeen:- Ansixinta qorshe howleedka uu Baarlamaanka ku shaqeynayo sanadka 2014, qorsheynta howlaha muddada ka harsan Kalfadhiga 3aad sida muddeynta anisixinta Xukuumadda cusub,anxisinta miisiiniyadda 2014,dhameystirka Hindiseyaasha Sharci ee Golaha yaala iyo qodobbo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii uusoo gebageboobay kulanka gudigga Joogtada ah ee Baarlamaanka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno ayadoo Baarlamaankana uu Madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu ugasoo jawaabay codsigii Baarlamaanka ee ku aadanaa dedejinta magacaabista Ra’isulwasaaraha,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u mahad celiyey Shacabka.

…””’Waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa,shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno…””‘ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray XIldhibaannada Golaha Shacabka meelkasta oo ay joogaan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso Ansixinta Ra’isulwasaaraha waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay Xilkasnimo Darro.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiga Joogtada kulankooda maanta ay uga hadleen sida uu Baarlamaanka u dhameystiri lahaa hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka taasina uu guddiga isku raacay in sida hor u tabinta u kala leeyihiin Baarlamaanku uu fulinayo dhameysirkooda.