RW SHARMA’ARKE: Xiriirka u dhaxeeya Sweden iyo Soomaaliya

Filed under: more news,RECENT POSTS |

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa shalay la kulmay safiirka Sweden u fadhiya Somalia, Mikael Lindvall, waxayna ka wadahadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal.

“Waxaan shalay la qaatay kulan miro-dhal ah safiirka Sweden Soomaaliya, Mikael Lindvall waxaana idiin xaqiijinayaa in xiriirka adag uu ka dhaxeeya Somalia & boqortooyada Sweden uu yahay mid adag, waxaan si qoto dheer u muujinayaa in dalka Sweden ay la garab-taagan tahay Somalia taageero dhan kasta ah, kuna bixiso dhaqaale aad u ballaaran dib u dhiska iyo dhismaha hay’adaha dowalada, ayna ka taagan tahay kaalin muuqata kaalamada beesha caalamku siiso Soomaaliya,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa intaas ku daray in Sweden uu hoy u yahay kumannaan qof oo Somali ah, kuwaasoo ugu nool sida dalkoodii oo kale, iyagoo kaalin muuqata ka qaata taageerida qoysaskooda iyo saaxibadooda jooga Soomaaliya.

“Dalka Sweden wuxuu leeyahay dhaqan iyo taariikh fog oo ku dhisan ixtiraamka dhamaan diimaha kala duwan sida Islaamka, horumarinta xuquuqul insaanka iyo soo dhaweynta dadka haysta dhaqamada kala duwan,” ayuu hadalkiisa raaciyay RW Cumar.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku yiri. “Xiriirka labada dal wuxuu ku taarikhaysan yahay xiligii Soomaaliya xornimada qaadatay, wanaajinta xiriirka labada dal waxaa saldhig u ah ka wada-shaqaynta nabada, nabad kusoo dabaalida Soomaaliya iyo kor u qaadida dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kala diimaha ah.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dowladda Somalia ay ku eedeysay dowladda Sweden inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida Saudi Arabia.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Apr/wararka_maanta17-91068.htm#sthash.K9S8ESCJ.dpuf